Muxsin Samiir oo Qado Sharaf u Sameeyay Carruurta Agoonta, una Hibbeeyay Saaxiibkii Geeriyooday ee Naasir Al-Murshidi

Muqdisho – Muxsin Samiir oo ka mid ah muxsiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ayaa qado sharaf iyo barnaamij samafal u sameeyay carruurta agoonta, isagoo ajarka iyo abaal-marinta camalkan kheyrka ah ugu deeqay ruuxa saaxiibkii geeriyooday ee Naasir Al-Murshidi.
Qadada loo diyaariyey carruurta agoonta ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka koobnayd bariis, kalluun, qudaarta cagaaran, baradho iyo basal la shiilay, iyo cabitaanno kala duwan. Carruurta ayaa si farxad leh ugu wada qadeeyay jawi ay ka muuqatay daryeel iyo naxariis.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxaa si gaar ah loo dareemayay qiimaha ay leedahay garab istaagga iyo ka farxinta ubadka agoonta ah, kuwaas oo bulshada uga baahan jacayl, taageero iyo dhiirrigelin joogto ah.
Galabnimadii ayaa sidoo kale carruurta loo qaybiyay macmacaan kala duwan oo ay ka mid ahaayeen buskud, xalwo, sisin iyo doolsho, taasoo sii kordhisay farxaddii iyo raynrayntii ka muuqatay wajiyadooda.
Carruurta agoonta ah ayaa wajiyadooda laga dheehanayay farxad weyn iyo dhoolla-caddeyn, iyagoo muujinayay sida ay ugu riyaaqeen qadada iyo hadiyadaha loo qaybiyay. Waxay sidoo kale Alle uga baryeen inuu ajar iyo xasanaad ka siiyo Muxsin Samiir oo soo qabanqaabiyay munaasabaddan kheyrka ah, isla markaana uu naxariistiisa janno ugu deeqo marxuum Naasir Al-Murshidi oo loogu talagalay sadaqadan iyo samafalkan.
Barnaamijkan samafalka ah ayaa tusaale u ah doorka muhiimka ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ka qaataan taageerada dadka nugul, gaar ahaan carruurta agoonta ah, iyagoo mar walba ka shaqeynaya faafinta naxariista, is-garab istaagga iyo samafalka bulshada dhexdeeda.
“Farxadda carruurta agoonta ah waa mid ka mid ah abaal-marinnada ugu qiimaha badan ee laga helo camalka kheyrka ah,
Munaasabaddan ayaa ku soo dhammaatay jawi farxad iyo duco ku dheehan tahay, iyadoo carruurtii ka faa’iidaysatay ay Alle uga baryeen Muxsin Samiir iyo dhammaan intii ka qeyb qaadatay samafalkan, isla markaana ay u duceeyeen Naasir Al-Murshidi.


































