Raashiinka Bilaha ah ee Xarunta Agoonta Al-Ithaar

Taariikhda: 9-ka October 2026
Alxamdulillaah, waxaa xarunta agoonta ee Al-Ithaar la soo gaarsiiyey raashiinkii billaha ahaa ee loogu talagalay daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee xarunta iyo carruurta agoonta ah ee ku nool.
Raashiinkan billaha ah wuxuu qayb muhiim ah ka yahay taageerada joogtada ah ee xarunta, isaga oo gacan ka geysanaya helitaanka cuntada iyo daryeelka carruurta, iyo sii wadidda hawlaha maalinlaha ah ee xarunta.
Taageeradan waxaa qayb ka ah dadaallada samafalka ee oo ay bixiyaan Muxsiniinta Ku sugan Magaalada London ee dalka Ingiriiska, kuwaas oo bixiya mushaaraadka shaqaalaha, raashiinka xarunta iyo adeegyo kale oo muhiim u ah socodsiinta hawlaha xarunta.
Gargaarkan joogtada ah wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay garab istaagga carruurta agoonta ah iyo shaqaalaha u heellan daryeelkooda. Sidoo kale, wuxuu ka qayb qaataa joogtaynta adeegyada aasaasiga ah iyo abuurista jawi ay carruurtu ku helaan daryeel, naxariis iyo nolol wanaagsan.
Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu ajar iyo xasanaad ka siiyo dhammaan dadka ka qayb qaata taageerada xarunta, gaar ahaan cid kasta oo gacan ka geysata bixinta raashiinka, mushaaraadka shaqaalaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Gunaanad
Xarunta Agoonta Al-Ithaar Waxay Ku Boorinaysaa Muxsiniinta Reer London inay sii wadaan dadaallada daryeelka iyo garab istaagga carruurta agoonta ah, iyadoo taageerada joogtada ahi ay laf-dhabar u tahay sii socoshada adeegyada xarunta.
Al-Ithaar — Daryeel, naxariis iyo garab istaag joogto ah.
Halkaan Hoose Ka Daawo Vedio



