
Iyada oo laga duulayo daryeelka iyo garab istaagga carruurta agoonta ah, ayaa Qof muxsin ah wuxuu Xarunta Agoonta Al-Ithaar ugu deeqay 17 firaash oo cusub, si ay carruurtu ugu helaan meel nadiif ah oo raaxo leh oo ay ku nastaan.
Deeqdan qiimaha badan waxay wax weyn ka tari doontaa hagaajinta nolol-maalmeedka carruurta agoonta, maadaama ay heli doonaan firaashyo cusub oo ay ku seexdaan, taas oo kor u qaadaysa caafimaadkooda iyo raaxadooda.
Maamulka, shaqaalaha iyo dhammaan carruurta xaruntu waxay u mahadcelinayaan muxsinka deeqda bixiyay.
Waxaana Alle uga
baryayaan inuu ka aqbalo sadaqadiisa, u barakeeyo maalkiisa, caafimaadkiisa iyo qoyskiisa, uguna beddelo ajar iyo xasanaad aan dhammaan.
Alle ha ka dhigo deeqdan mid miisaanka xasanaadkiisa ku cuslaata maalinta uu la kulmayo. Aamiin.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRDA














