
Carruurta agoonta ah ayaa Bil waliba loo iibiyaa adeegga raashiinka bilaha ah, kaas oo qeyb muhiim ah ka ah daryeelka joogtada ah ee ay helaan.
Adeeggan raashiinka ah waxaa lagu soo iibiyay lacag dhan 412 doolar, waxaana loogu talagalay in uu daboolo baahida cuntada ee carruurta ilaa dhammaadka bishan.
Taageeradan qiimaha badan waxaa bixiya dad muxsiniin ah oo ku sugan magaalada London, kuwaas oo si joogto ah bil kasta u garab istaaga carruurta agoonta ah.
Muxsiniintan ayaa bixiya kharashaadka muhiimka ah ee nolosha carruurta, sida raashiinka, kirada guriga, caafimaadka, iyo waxbarashada.
Carruurta agoonta ah waxaa maalin kasta la siiyaa saddex waqti oo cunto ah, taas oo si weyn uga caawisa caafimaadkooda, koritaankooda, waxbarashadooda, iyo niyad-dhiskooda. Sidoo kale, haddii carruurta ay xanuunsadaan, waxaa loo qaadaa isbitaal si ay u helaan daryeel caafimaad iyo daaweyn ku habboon.
Taageeradan joogtada ah waxay carruurta siisaa rajo, kalsooni, iyo dhiirrigelin weyn. Waxay dareemayaan in ay jiraan dad jecel, daryeelaya, una taagan mustaqbalkooda. Tani waa arrin aad u qiimo badan, maadaama agoontu u baahan yihiin garab, naxariis, iyo daryeel joogto ah.
Waxaan mahad gaar ah u jeedinaynaa muxsiniinta reer London ee sida joogtada ah u taageera carruurta agoonta ah. Alle ha ka abaal mariyo wanaagga ay sameynayaan, ha u barakeeyo maalkooda, caafimaadkooda iyo qoyskooda, hana uga dhigo sadaqo jaariyo ah oo miisaanka xasanaadkooda ku culus.
Taageerada noocan oo kale ah waxay tusaale wanaagsan u tahay sida bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ay uga qeyb qaadan karto daryeelka, korinta, iyo dhismaha mustaqbalka carruurta agoonta ah.
Q/ Tifaftiraha Websiteka Said Adam Hssan











