WAXQABAD

🌿 MUXSINIINTA REER LONDON OO RAASHIIN BIL AH SOO GAARSIIYEY CARRUURTA AGOONTA EE XARUNTA AL-ITHAAR 🌿

🌿 MUXSINIINTA REER LONDON OO RAASHIIN BIL AH SOO GAARSIIYEY CARRUURTA AGOONTA EE XARUNTA AL-ITHAAR 🌿

🌿 MUXSINIINTA REER LONDON OO RAASHIIN BIL AH SOO GAARSIIYEY CARRUURTA AGOONTA EE XARUNTA AL-ITHAAR 🌿

Waxaa farxad iyo mahadnaq weyn naga mudan muxsiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London, kuwaas oo mar kale muujiyey jacaylka, naxariista iyo garab istaagga ay u hayaan carruurta agoonta ah ee ku jira Xannaanada Agoonta Al-Ithaar.

Muxsiniintan ayaa carruurta soo gaarsiiyey raashiin ku filan adeegga hal bil, kaas oo ay kamid yihiin:

🍚 Bariis
🌾 Bur
🍬 Sonkor
🥣 Mushaari
🛒 Agabyo iyo raashiin kale oo muhiim ah

Deeqdan ma aha oo keliya raashiin; waa jacayl, naxariis iyo garab istaag ay walaalaheenna reer London u fidinayaan carruur aan waalidkood haysan.

Raashiinkan billaha ah wuxuu qayb muhiim ah ka yahay daryeelka iyo nolosha maalinlaha ah ee carruurta, wuxuuna ka caawinayaa Xannaanada Al-Ithaar inay carruurta si joogto ah u siiso cunto iyo daryeel wanaagsan. Taageerada noocan ah ayaa sidoo kale horey uga mid ahayd kaalmooyinka joogtada ah ee muxsiniinta loogu fidiyo agoonta.

🤲 Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan carruurta Xannaanada Agoonta Al-Ithaar waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaan dhammaan muxsiniinta reer London ee deeqdan bixiyey.

Alle ha ka abaalmariyo kheyrka ay sameeyeen, ha u barakeeyo maal iyo caafimaad, hana uga dhigo sadaqadooda mid miisaankooda ku culus Maalinta Qiyaamaha

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button