Qoysas Danyarta ah ee Ku Nool Duleedka Muqdisho Oo La Gaarsiiyay Deeq Hilib Ah Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa

Maalinta koowaad ee munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa, ayaa qaar kamid ah muxsiniinta Soomaaliyeed waxay deeq hilib ah gaarsiiyeen qoysas danyar ah oo ku nool kaam ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.
Deeqdan oo loogu talagalay in lagu farxad geliyo bulshada nugul xilliga ciidda, ayaa la gaarsiiyay ilaa 75 qoys oo isugu jiray rag, dumar iyo carruur danyar ah, kuwaasi oo wajahaya duruufo nololeed oo adag.
Muxsiniinta ka qeyb qaatay howlaha samafalka ayaa kala ahaa:
- Shiikh Cabdirahiim Cali Xaaji
- iyo Muxidiin
Dadkan kheyrka badan ayaa bulshada ugu deeqay cudxiyo gaaraya saddex neef oo ari ah, kuwaasi oo la gowracay kadibna hilibkooda loo qeybiyay qoysaska tabaaleysan.
Qaar kamid ah qoysaskii la gaarsiiyay deeqda ayaa muujiyay farxad weyn, iyagoo uga mahadceliyay muxsiniinta garab istaagga iyo taakuleynta ay u sameeyeen xilliga ciidda.
Mas’uuliyiinta fulisay qeybinta deeqda ayaa sheegay in ujeeddada ay tahay in bulshada danyarta ah lala qeybsado farxadda Ciidul Adxaa, isla markaana la xoojiyo isku xirnaanta iyo is-caawinta bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, muxsiniinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo dadka kheyrka jecel inay garab istaagaan dadka tabaaleysan, gaar ahaan xilliyada barakeysan ee ciidaha
HALKAAN HOOSE KA DAAWO






