SAWIRROWAXQABAD

Agoonta Oo Looga Farxiyey Dhar Iyo Hadiyado Ciidda Ah Maalintii 9-ka Dul-Xijjah

Maalintii shalay oo ku beegneyd 9-ka bisha Dul-Xijjah, ayaa muxsiniin Soomaaliyeed oo ku nool magaalada London waxay farxad weyn la qeybsadeen carruurta agoonta ah, kadib markii ay u qeybiyeen dharka ciidda, agabka ay carruurtu ku ciyaaraan, khamiisyo iyo koofiyado sunno ah, si ay uga qeyb qaataan farxadda munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.

Carruurta agoonta ah ayaa si weyn u muujiyay farxaddooda iyo raynrayntooda markii la guddoonsiiyay dharka cusub iyo hadiyadaha loogu talagalay ciidda. Goobta lagu qeybiyay agabka ciidda waxaa hareeyay dareen farxad leh, iyadoo carruurta qaarkood ay muujiyeen dhoolla-caddeyn iyo reynreyn ka tarjumeysay sida ay ugu riyaaqeen hadiyadaha la gaarsiiyay. Sidoo kale carruurta ayaa loo fasaxay inay damaashaadaan oo ay si xor ah ugu ciyaaraan agabka loo keenay, taas oo sii kordhisay farxadda iyo jawiga ciidda.

Maamulka Al-Ithaar Foundation, gaar ahaan Sheekh Cabdirahim Cali Xaaji, ayaa si weyn ugu mahadceliyay muxsiniinta reer London kaalinta wanaagsan ee ay ka qaateen farxad gelinta carruurta agoonta ah. Sheekh Cabdirahim ayaa sheegay in tallaabadan kheyriga ah ay muujineyso isku xirnaanta iyo is-garab istaagga bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Sheekha ayaa xusay in daryeelka iyo farxad gelinta agoonta ay tahay camal kheyr leh oo ajar iyo abaal weyn leh, isagoo Alle uga baryay muxsiniinta reer London in uu ka abaalmariyo dadaalkooda samafal, kana siiyo caafimaad, maal iyo kheyr badan. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay bulshada Soomaaliyeed inay mar walba garab istaagaan carruurta agoonta iyo dadka danyarta ah, gaar ahaan xilliyada farxadda sida ciidaha Islaamka.

Ugu dambeyn, maamulka hay’addu waxay sheegeen inay sii wadi doonaan dadaallada lagu taageerayo agoonta iyo qoysaska nugul, si loo abuuro bulsho isku naxariisata oo isku gurmata xilliyada adag iyo kuwa farxaddaba.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADA

 

259

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!