Alithaar Foundation oo umada Muslimiinta ugu Hambalyaysay Munaasabada Ciidul-Adxa

Sheekh Cabdirahim Cali Xaaji ayaa hambalyo iyo duco u diray guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed. Sheekh Cabdirahim ayaa sheegay in ciiddu tahay maalin weyn oo muujinaysa walaaltinimada, isku duubnida iyo is-caawinta bulshada Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.
Sheekhu wuxuu yiri in munaasabaddan qiimaha badan ay tahay fursad lagu xoojiyo jacaylka, nabadda iyo garab istaagga dadka danyarta ah, isagoo Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed sanadkan sanadkiisa caafimaad, barwaaqo iyo amni. Sidoo kale wuxuu hambalyo u diray dhammaan Muslimiinta caalamka, isaga oo ku boorriyey inay ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka bulshada.
Dhanka kale, shaqaalaha Al-Ithaar Foundation ayaa iyaguna hambalyo diirran u diray ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta, iyagoo sheegay in Ciidul Adxaa ay tahay munaasabad xambaarsan farxad, isxilqaan iyo isu naxariisasho. Waxay bulshada ugu baaqeen inay garab istaagaan dadka tabaaleysan, isla markaana la xoojiyo xiriirka qoysaska iyo deriska inta lagu guda jiro maalmaha ciidda.
Shaqaalaha hay’addu waxay sidoo kale muujiyeen dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan taageerada bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka u baahan gargaar bini’aadannimo iyo adeegyada samafalka. Ugu dambeyn waxay Alle uga baryeen shacabka Soomaaliyeed nabad waarta, horumar iyo barako.



