QORMOYINKII UGU DAMBEEYAYSAWIRROWAXQABAD

Amatallah Abdi Rihin Ali Haji Oo Qado Sharaf U Sameysay Carruurta Agoonta

Mid kamid ah muxsiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London, Amatallah Cabdi Rihin Cali Xaaji, ayaa qado sharaf u sameysay carruurta agoonta ah ee ku jira xarunta xannaanada agoonta, iyadoo muujisay naxariis, damqasho iyo u heellan tahay garab istaagga agoonta.

Qadadan sharafta leh ayaa timid Jimcihii afaraad oo xiriir ah, taasoo muujinaysa joogteynta samafalka iyo tartanka kheyrka ee ay muxsiniintu ugu adeegayaan agoonta. Carruurta agoonta ayaa si weyn ugu farxay qadada loo sameeyay, waxaana wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo raynrayn, iyagoo si qalbi furan ugu ducaynayay muxsinadda Amatallah Cabdi Rihin Cali Xaaji.

Falalkan samafal ee joogtada ah waxay astaan u yihiin in weli ay jiraan dad muxsiniin ah oo u taagan kheyrka, kana shaqeynaya farxinta agoonta iyo daryeelka kuwa nugul. Waxay sidoo kale dhiirrigelin u yihiin bulshada inteeda kale inay ka qayb qaataan camallada kheyrka.

Maamulka xarunta ayaa uga mahadceliyay Amatallah Cabdi Rihin Cali Xaaji taageerada qiimaha leh ee ay siisay carruurta agoonta, iyagoo xusay in falalka noocan ahi ay si weyn u kor u qaadaan niyadda iyo rajada carruurta.

Ugu dambeyn, waxaan Alle uga baryeynaa muxsinadda Amatallah Cabdi Rihin Cali Xaaji iyo dhammaan muxsiniinta kale ee ku tartamaya kheyrka, in uu ka aqbalo sadaqadooda, kana dhigo mid u noqota ajar joogto ah iyo barako aan dhammaan.

 

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!