
Mid kamid ah muxsiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London, Aadam Binu Samiir, ayaa qado sharaf u sameeyay carruurta agoonta ah ee ku jira xarunta xannaanada agoonta, isagoo muujiyay naxariis, walaaltinimo iyo u damqasho uu u qabo agoonta.
Qadadan sharafta leh ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana carruurta loo diyaariyay cuntooyin kala duwan oo ay aad ugu riyaaqeen. Farxad weyn ayaa ka muuqatay wejiyada carruurta, kuwaas oo si qalbi furan ugu ducaynayay muxsinka Aadam Binu Samiir, iyagoo Alle uga baryay inuu ka aqbalo sadaqada, kana dhigo mid u noqota ajar iyo kheyr adduun iyo aakhiro.
Falalkan samafal ee noocan ah waxay dhiirrigelin u yihiin bulshada inteeda kale, waxayna caddeyn u yihiin in weli ay jiraan muxsiniin u tartamaya kheyrka, kana shaqeynaya farxinta agoonta iyo daryeelka kuwa tabarta daran.
Maamulka xarunta ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Aadam Binu Samiir, iyagoo xusay in taageerada noocan ahi ay door weyn ka qaadato kor u qaadista niyadda carruurta agoonta iyo dareenkooda nololeed.
Ugu dambeyn, waxaan Alle uga baryeynaa dhammaan muxsiniinta u istaagay garab istaagga agoonta in uu ku mannaysto ajar aan kala go’ lahayn, isla markaana uu ku gallado camalkooda miisaanka kheyrka.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA




















