Gabdho Muxsiniin ah oo Farxad Geliyay Agonta Xarunta Al-Ithaar

Gabdho muxsiniin ah ayaa farxad iyo raynrayn geliyay caruurta agoomaha ah ee ku jira xarunta xanaanada agoonta Al-Ithaar, kadib markii ay u sameeyeen qado sharaf qurux badan oo si heer sare ah loo agaasimay. Qadada kaddib, caruurta agoonta waxaa sidoo kale la siiyay macmacaan kala duwan, taas oo sii xoojisay farxaddii ka muuqatay wajiyadooda.
Caruurta agoonta ah ayaa si weyn ugu farxay qadada iyo daryeelka loo muujiyay, iyagoo gacmaha u taagay ducana u diray muxsiniinta wanaagga sameeyay. Waxay si gaar ah ugu duceeyeen walaalaha muxsiniinta ah Aayah Abdirahim Ali Hagi Jaabiri iyo Balqiiso abdirahim Ali Hagi Jaabiri , iyagoo Alle uga baryay inuu ka aqbalo sadaqadooda, kana dhigo kuwo muraadkooda la gaaro dhawaan, Insha’Allah.
Ma ahan markii ugu horreysay ee agoomaha xarunta Al-Ithaar la gaarsiiyo farxad noocan ah, dhawaan ayay ahayd markii walaal muxsin ah oo lagu magacaabo Samiir uu isna qado sharaf u sameeyay agoomaha, taasoo muujinaysa sida ay muxsiniintu ugu tartamayaan camalka kheyrka iyo ka farxinta caruurta nugul.
Maamulka xarunta Al-Ithaar ayaa uga mahadceliyay dhammaan muxsiniinta sida joogtada ah uga qeyb qaata daryeelka iyo farxinta agoonta, iyagoo xusay in camalkan uu yahay mid leh ajar weyn, kana tarjumaya naxariis, walaaltinimo iyo masuuliyad bulsho.
Ugu dambeyn, farxinta agoonta waa camal qiimo badan, waana dariiq Alle lagu kasbado. Xarunta Al-Ithaar waxay sii wadi doontaa la shaqeynta muxsiniinta jecel inay qeyb ka noqdaan farxinta iyo mustaqbalka wanaagsan ee agoomaha.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA
















