BARNAAMJIYO GAAR AHWAXQABAD

Alithaar Foundation oo Agoonta iyo Masaakiinta u Qeybisay Dharkii ay soo dhiibeen Muxsiniinta Reer London

Hay’adda samafalka ee Alithaar Foundation, oo caan ku ah gargaarka iyo garab istaagga bulshada nugul, ayaa dhowaan caruurta agoonta iyo qoysaska danyarta ah u qeybisay shixnad dhar ah oo ay soo dhiibeen muxsiniinta deggan magaalada London.

Qeybinta ayaa ka dhacday gudaha xarunta agoonta ee Alithaar, halkaas oo caruurta iyo macallimiintuba ay ku muujiyeen farxad iyo mahadnaq ku saabsan dharka la gaarsiiyay. Dharka la qeybiyay ayaa ka koobnaa jaakado, bustooyin, funaanado iyo noocyo kale oo badan oo ku habboon cimillada iyo baahida carruurta.

Sidoo kale, qoysaska danyarta ah ee ku nool duleedka Muqdisho, gaar ahaan dadka ka danyarta ah ayaa iyaguna helay dharkaan. Qoysasku waxay sheegeen inay tahay deeq soo dhawaysi mudan oo kaalmaynaysa xilligan adag.

Alithaar Foundation, oo ah hay’ad samafal oo aan macaash doon ahayn, ayaa horey ugu caan baxday caawinta agoonta, danyarta, waxbarashada iyo adeegyada bulshada.

Maamulka hay’adda ayaa u mahadceliyay muxsiniinta London ee isku xilqaamay ururinta dharka, iyagoo ku booriyay in ay sanadka cusub sii laba-jibaaraan dadaalka iyo samafalka.

Hay’adda ayaa ku nuuxnuuxsatay in ay mar walba garab u tahay bulshada nugul, iyagoo ballan qaaday in gargaarka iyo mashaariicda samafalka ay sii wadi doonaan.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO

145

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!