QORMOYINKII UGU DAMBEEYAYWAXQABAD

OGEYSIIS MUHIIM AH

OGEYSIIS MUHIIM AH

Maanta oo Talaado ah, waxaa si rasmi ah hawada dib ugu soo laabtay website-ka samafalka ee Alithaar kadib maalmo kooban oo uu hawada ka maqnaa sababo la xiriiray cilado farsamo.

Waxaan dhammaan walaalaha muxsiniinta ah ee ku kala nool daafaha dunida ogeysiineynaa in dib loo bilaabay soo gudbinta howlaha kheyrka iyo samafalka ee ay hay’addu u adeegto bulshada tabaaleysan, gaar ahaan daryeelka agoonta.

Maamulka Hay’adda Alithaar oo uu hoggaaminayo Shiikh Cabdiraxiin Cali Xaaji iyo Maamule Ku-xigeenka hay’adda ahna Tifaftiraha website-ka, waxay si kal iyo laab ah uga raalli gelinayaan dhammaan taageerayaasha iyo muxsiniinta muddadii uu website-ku hawada ka maqnaa.

Website-kan waxaan kusoo gudbinaa:

Daryeelka iyo kafaaladda agoonta.

Gargaar bani’aadannimo.

Warbixinno samafal.

Mashaariic kheyr ah

Iyo adeegyada bulshada loogu adeego

Waxaan mar waliba u taaganahay adeegga agoonta iyo dadka nugul,

annagoo ku shaqeyneyna daahfurnaan, aaminnimo, iyo dadaal joogto ah.

Mahadsanidiin

taageeradiinna joogtada ah.
Alle ha idinka abaalmariyo kheyrkiinna iyo garab istaaggiinna.

29

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!