WAXQABAD

🌙Hay’adda Kheyriga ah ee Al-Ithaar oo Hambalyo Diirran u Dirtay Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed

Maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda samafalka Al-Ithaar waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo daafaha caalamka,

Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo ku beegan: Hijri: 11-ka Dul-Xijjah 1447H Miilaadi: 20-ka Maarso 2026 Maamulaha Hay’adda, Sheekh Cabdiraxiim Cali Xaaji, oo xiligan ku sugan Makkah, ayaa fariin diirran la wadaagay guud ahaan Muslimiinta.

Wuxuu yiri: “Waxaan Alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaasha wanaagsan, dhammaan Muslimiintana waxaan la qeybsaneynaa farxadda maalinta ciidda.

Ilaahay ha nagu gaarsiiyo ciidaha soo socda nabad, caafimaad iyo barwaaqo.” Sidoo kale, Sheekh Cabdiraxiim wuxuu bulshada kula dardaarmay inay muujiyaan midnimo iyo is-cafin, isla markaana ay garab istaagaan dadka dhibaateysan iyo kuwa xanuunsan, una duceeyaan walaalahooda Muslimiinta ah.

Dhanka kale, Maamulka Hay’adda Al-Ithaar waxay si gaar ah ugu mahadcelinayaan walaalaha muxsiniinta ah ee ka qeyb qaatay farxinta agoonta, kuwaas oo dhar cusub oo ciid ah u iibiyay carruurta lagu xanaaneeyo xarunta agoonta Al-Ithaar.

Maamuluhu wuxuu xusay in tani ay ahayd waqti ku habboon oo laga farxiyo agoonta si ay ula qeybsadaan farxadda ciidda carruurta kale.

Ugu dambeyn, Hay’adda Al-Ithaar waxay markale hambalyo u diraysaa ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta, iyagoo leh: “Ciid Mubaarak, sannadkan sannadkiisa kale Alle ha nagu gaarsiiyo kheyr iyo nabad.

الله أكبر الله أكبر الله أكبر، لا إله إلا الله،
الله أكبر الله أكبر، ولله الحمد

الله أكبر كبيرًا، والحمد لله كثيرًا، وسبحان الله بكرةً وأصيلًا،
لا إله إلا الله وحده، صدق وعده، ونصر عبده، وأعز جنده، وهزم الأحزاب وحده،
لا إله إلا الله، ولا نعبد إلا إياه، مخلصين له الدين ولو كره الكافرون،
اللهم صلِّ على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد وعلى أصحاب سيدنا محمد،
وعلى أنصار سيدنا محمد وعلى أزواج سيدنا محمد وعلى ذرية سيدنا محمد وسلم تسليمًا كثيرًا

Qore: Saciid Xaaji
Tifaftiraha Hay’adda Al-Ithaar

18

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!