“Waxbarasho iyo Daryeel: Raashiin La Gaarsiiyay Ardayda Al-Ithaar”
“Waxbarasho iyo Daryeel: Raashiin La Gaarsiiyay Ardayda Al-Ithaar”

Ardayda Xarunta Xanaannada Agoonta Alithaar ayaa si nabad ah ugu soo laabtay xarunta kadib fasaxii dhowrka maalmood ee ciidda. Waxaa si rasmi ah dib u bilowday waxbarashadii, iyadoo ardaydu ay la yimaadeen firfircooni iyo rajo cusub.
Macallimiinta xarunta ayaa heegan buuxa ku jira, iyagoo durbaba bilaabay gudbinta duruus muhiim ah, gaar ahaan kuwa diiniga ah, si kor loogu qaado aqoonta iyo akhlaaqda ubadka agoonta ah.
Si howlaha waxbarasho ay si habsami leh ugu socdaan, xarunta waxaa la keenay raashiin bila ah oo loogu talagalay carruurta, kaas oo ay si deeqsinimo leh u bixiyeen muxsiniin samafal ah. Tani waxay door weyn ka qaadaneysaa daryeelka iyo joogteynta nolosha maalinlaha ah ee ardayda.
Sidoo kale, muxsiniinta walaalaha ah ee ku sugan London ayaa si joogto ah u garab taagan xarunta, iyagoo bixiya qarashaadka nolosha iyo waxbarashada agoonta bil walba. Taageeradooda joogtada ah waa tiir muhiim u ah horumarka carruurta.
Ugu dambeyntii, Hay’adda Alithaar ayaa sii laba jibbaartay dadaallada iyo dardargelinta howlaha samafalka, iyagoo si hagar la’aan ah uga shaqeynaya horumarinta nolosha iyo mustaqbalka ubadka agoonta ah.
Mahadsanidiin dhammaan muxsiniinta iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay wanaaggan. Wadajir ayaan ku dhiseynaa mustaqbal ifaya.



