Mahadnaq Ku Socota Muxsiniinta Garabka Taagan Xannaanada Agoonta Al-Ithaar

waxaa si qurux badan u qabsoomay afurka ardayda carruurta agoonta ah ee ku jirta Xannaanada Agoonta Al-Ithaar. Carruurtu waxay ku afureen jawi farxad iyo reyn-reyn leh, iyagoo ku faraxsan nimcada Alle iyo gacmaha samafalka ee mar walba garab istaaga.
Afurka waxaa ka mid ahaa sanbuus, bur, qare iyo cuntooyin kale oo si gaar ah loo diyaariyey, kuwaas oo farxad geliyey quluubta carruurta. Qaar ka mid ah carruurta ayaa lagu tababbarayaa soonka si tartiib ah, iyagoo baranaya qiimaha cibaadada iyo sabarka, halka kuwa kalena si buuxda u soomeen — arrin muujinaysa korriin wanaagsan iyo tarbiya suuban.
Waxaan si buuxda ugu mahadcelineynaa dhammaan muxsiniinta, iyo walaalaha Alle dartii u garab istaaga carruurtan agoonta ah. Deeqdiinna iyo dadaalkiinnu waa iftiin iyo rajo ay ku noolaadaan ubadkan yar.
Alle ha idiinka abaalmariyo kheyr aan la koobi karin, hana idiin barakeeyo maalkiinna, ubadkiinna iyo camalkiinna suuban.
Mahadsanidiin mar walba — waxaad tihiin tiirka rajada iyo naxariista









