WAXQABAD

Hooyo Caasho Sheekh: oo Gacan Naxariis Leh oo Mustaqbal u Dhisaysa Agoonta usamaysay

Hooyo muxsinad ah oo lagu magacaabo Caasho Sheekh ayaa mar kale muujisay qalbi naxariis leh iyo damqasho ku wajahan carruurta agoonta ah, kadib markii ay ugu deeqday kutub aad u qiimo badan oo ay kamid tahay kitaabka “Arbiicu Nawawi”.

Deeqdan qiimaha badan waxay farxad iyo dhiirigelin weyn gelisay qalbiyada carruurta agoonta ah, kuwaas oo si weyn ugu baahnaa agab waxbarasho oo kobciya aqoontooda diineed iyo akhlaaqdooda. Kutubtan la gaarsiiyay agoonta waxay noqotay il iftiin u noqota mustaqbalkooda, kuna dhiirigelisay jaceylka cilmiga iyo barashada diinta.

Hooyo Caasho Sheekh waxay tallaabadan ku muujisay sida ay uga go’an tahay in carruurta agoonta ah la garab istaago, loona abuuro fursado waxbarasho oo ay ku horumariyaan naftooda iyo bulshadoodaba. Deeqdan kitaabada ah waxay sidoo kale qeyb weyn ka tahay dadaallada lagu doonayo in caruurta lagu barbaariyo cilmi, akhlaaq suuban iyo iimaaan adag.

Carruurtii agoonta ahayd ee deeqdan ka faa’iidaystay ayaa muujiyay farxad ballaaran, iyagoo uga mahadceliyay hooyo Caasho Sheekh deeqdan qiimaha badan, una duceeyay in Allah ku abaalmariyo ajar aan go’ayn.

Tani waa tusaale cad oo muujinaya in marka la is garab istaago agoonta, la dhisayo jiil ifaya oo berri ummada anfaca.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO

53

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!