Al-Ithaar Foundation oo Agoonta Dajisay Guri Weyn oo Dabaq ah

Waxaa farxad iyo mahad u wada leh dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo taageerayaasha samafalka in aan idinla wadaagno war wanaagsan oo ku saabsan Xarunta Agoonta Al-Ithaar, taasoo dhawaan ka guurtay goobtii ay horay ugu shaqeenaysay xarunta oo ahayd degmada dayniile.
Xarunta hada waxay ka howlgalaysaa degaanka Garasbaaley ee Duleedka Magaalada Muqdisho gaar,ahaan Tabeelaha Shiiq ibraahim.
Guriga Agoonta aan Dajinay waxa uu kakoo banyahay laba boos oo dabaq ah, laguna dhisay si waafaqsan baahida iyo daryeelka agoonta — isagoo leh jawwi nadiif ah, meel seexasho raaxo leh, iyo qolal ku habboon waxbarashada, ciyaarta, iyo barbaarinta diinta Islaamka.
Ujeeddada xaruntu waa in ay sii waddo hawsha khayriga ah ee ay bulshada ugu qabato, si agoonta Soomaaliyeed ay u helaan nolol sharaf leh, daryeel buuxa, iyo mustaqbal ifaya.
Hase yeeshee, guuritaanka xarunta iyo dejinta gurigan cusub waxay wateen kharash ka badan kii hore, sidaas darteed waxaan ku boorrineynaa muxsiniinta, ganacsatada, iyo bulshada kheyrka jecel in ay ku taageeraan xarunta wixii ay awoodaan ha noqoto maal, cunto, alaab jiif, daawo, ama adeeg kale oo ka qeyb qaadan kara horumarinta iyo daryeelka agoonta.
Wax kasta oo aad ku bixisaan jidka Alle, waa sadaqo oo aad ajarkeeda heli doontaan adduun iyo aakhiroba.
Nabiga csw waxuu yiri“Kii agoonta daryeela, Jannada ayuu igu wehel noqon doonaa sida labadaan farood oo is dhow.”
(Xadiith saxiix ah – Bukhaari & Muslim)
Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirrad Guriga Agoonta aan Dajinay










