Walal Muxsiniinta London kamid ah oo Agoonta Usameyay Qado Sharaf
Ka Farxinta agoontu waa furaha naxariista Eebbe.

Qof kamid ah muxsiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London oo lagu magacaabo Samiir ayaa maalintii shalay oo ahayd Jimco waxa uu qado sharaf wanaagsan u sameeyay carruurta agoonta ee ku jira xarunta xanaanada agoonta Al-Ithaar.
Samiir ayaa lacagtii qadada si toos ah ino soo gaarsiiyay, isagoo doonaya raalli ahaanshaha Alle iyo in laga aqbalo sadaqadan uu u fidiyay agoonta. Wuxuu sheegay inuu sameynayo kafaaro-gud dhaar, sidaas darteedna uu doorbiday in maalinta barakeysan ee Jimcaha lagu farxiyo carruurta agoonta.
Carruurta waxay si aad ah ugu farxeen qadada wanaagsan ee loo diyaariyay, waxayna muujiyeen farxad, kalgaceyl iyo mahadnaq. Waxaana ay u duceeyeen Muxsin Samiir, iyagoo Alle ka baryay inuu ka aqbalo, caafimaad siiyo, kheyrna ku barakeeyo.
Sadaqada noocan oo kale ah waxay ka mid tahay camalka ugu kheyrka badan ee lagu helo raalli ahaanshaha Alle, iyadoo farxinta agoontu ay leedahay ajar gaar ah.
Aayadda Qur’aanka ee ka hadashay Kafaarada Dhaarta
Allaah SWT wuxuu yiri:
﴿لَا يُؤَاخِذُكُمُ اللَّهُ بِاللَّغْوِ فِي أَيْمَانِكُمْ وَلَٰكِن يُؤَاخِذُكُم بِمَا عَقَّدْتُمُ الْأَيْمَانَ ۖ فَكَفَّارَتُهُ إِطْعَامُ عَشَرَةِ مَسَاكِينَ مِنْ أَوْسَطِ مَا تُطْعِمُونَ أَهْلِيكُمْ أَوْ كِسْوَتُهُمْ أَوْ تَحْرِيرُ رَقَبَةٍ ۖ فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ ثَلَاثَةِ أَيَّامٍ﴾
(المائدة: 89)
HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA GOORDHOWNA MUQAAL KUSAABSAN AYAAN BAAHIN DONAA



















