
Intii Nala socotay waxaan Mudo Lix-Bilood ah Biyo siinaynay 1,200 Boqol qoys oo isugu jira Agoomo Waayeelo Danyar iyo Naafo kuwaas oo degan xero Barakac oo ku taala duleeda Magaalada Muqdisho.
Mudadaas lixda Bilood ah waxaan Ceelka Biyaha ka codsanay inuu Lacagta Biyaha uu Nagu yeesho Markay Biluhu dhamadaan aan siin doono lacagtodii.
3,813.6 ayaa nagula yeeshay mudadii lixda Bilood ahayd sida Boonada Ceelka ku cad Waana lacagta Biyaha ay cabeen Qoysaska Barakacayaasha ah ee Tiradoodu kor udhaafayso Kunka qoys.
Walaalaha Muxsininta Reer London Waxay iska soo Uruuriyeen Lacag Dhan 2,000 kun oo dollar taas oo aan ku wareejinay Ceelka Biyaha,waxaana ka codsanay in Markale Waqti ama Maalmo Dheraad ah Nala siiyo si Lacagaha nagu harsan aan ubixino ama aan usoo dhamestirno.
Lacagta hada Nagu harsan ama Reestada nagu aha ee nagala doonayo inaan Bixino waa 1,813.6 oo kasoo hartay lacagihii horay ubixinay.
Hadii aad doonaysid inaad ka qeybqaadato ama aad wax ku darsato waxaad nagala sooo Xiriiri kartaan Telfonada Hoos idin kaga Muuqda
+44 7538 046487 +44 7957595505 +252 61 1583333
Halkaan Hoose Ka Daawo Qeyb ka mid ah Lacag Biyaha oo aan ku Wareejinta Ceelka.