Bilowga Casharrada Kitaabka Safiinatu Salaad ee Ardayda Xanaanada Agoonta Al-ITHAAR
Al-ITHAAR โ Daryeel, Agoon Diin & Dhisid Mustaqbal

Waxaa caawa si rasmi ah xarunta Xanaanada Agoonta Al-ITHAAR looga bilaabay duruus cusub oo ku saabsan kitaabka Safiinatu Salaad, iyadoo loogu tala galay ardaydii horey u dhameystay kutubo muhiim ah oo ay kamid yihiin:
-
Riyaadu-l-Lisaan โ oo lagu baranayay wanaagga hadalka iyo anshaxa wanaagsan
-
Mi’atu Xadiith โ oo ay ku jireen boqol xadiith oo xambaarsan axkaam iyo akhlaaq
-
Xisnul Muslim โ oo ah xuska iyo ducooyinka muhiimka ah ee nolosha Muslimka
Ardaydu waxay muujiyeen dadaal, xifdi, iyo ka-qaybgal heer sare ah, taasoo horseeday in hadda la guda galo Safiinatu Salaad โ kitaab muhiim ah oo ka hadlaya axkaamta salaadda iyo aas-aaska cibaadada.
Ujeeddooyinka Duruustan:
-
In kor loo qaado fahamka cilmiga salaadda
-
In ardaydu yeeshaan sal adag oo diini ah
-
In lagu dhiso jiil aqoon iyo akhlaaq wanaagsan leh
Waxaan u mahadcelineynaa macallimiinta khibradda leh ee juhdiga gelinaya barbaarinta ilmaha agoonta, iyo dhammaan taageerayaashii ka qayb qaatay hirgelinta barnaamijkan barakeysan.
Al-ITHAAR โ Daryeel, Diin & Dhisid Mustaqbal



