Waxaan ugu Hambalyeyneynaa Dhamaan ummada Muslimiinta ah Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan
MAAMULKA JIMCIYATU AL-ITHAAR AL KHEYRIYAH

Caawa waa Kowda Bisha Barakeysan Ee Ramadaan Sanadka (1444,) Kun Afar Boqol Afartan Iyo Afar Hijriyada, Muslimiinta Caalamka oo aan ka mid nahay waxaa u bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan waana Fursad qaali ah oo sanadkii mar soo marta Muslimiinta.
Maamulka iyo Howlwadeenada Webseydkaย Kheyriga ah Ee Al-Ithar.Net waxa uu,Akhristayaashiisa iyo guud ahaan Muslimiinta Caalamka ugu Hambalyeynayaa Bilashada Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.
Allaah SW waxaan ka baryeynaa inuu naga wada dhigo kuwii ka faaโideysta bishan aadka u kheyrka badan kana aqbalo cibaadada.
Dadka Muslimiinta ee geeriyooday waxaan Allaah uga baryeynaa inuu u Naxariisto Janadiisana ka waraabiyo,inta xanuunsanne Allaah ha caafiyo,inta ย Dhibaataysana Allaah Haka Dul-qaado Dhibataada inta Muragaysana Allah Muragada Haka saaro .
Dhinaca kale waxa uu Maamulka Webseydkaย alithar.net ku baraarujinayaa Muslimiinta meel kasto ay dunida ka jogaan iyo Muxsiniintuba inay caawiyaan dadka fuqarada ah ee aanay haysan waxay ku Afuri lahayeen Bishan Kheyrka Badan.
Sidoo kale Akhristayaasheena Waxaan ku wargalinaynaa Inaan Usoo Gudbin doono Daruus Ramadaanka Ku Saabsan iyo Muxaadaraad inta lagu guda jiro Bishan Kheyrka badan Ee Ramadaan Insha,Allah.
RAMADAAN MUBAARAK
MAAMULKA JIMCIYATU AL-ITHAAR AL KHEYRIYAH



