๐ฟ MUXSINIINTA REER LONDON OO RAASHIIN BIL AH SOO GAARSIIYEY CARRUURTA AGOONTA EE XARUNTA AL-ITHAAR ๐ฟ
๐ฟ MUXSINIINTA REER LONDON OO RAASHIIN BIL AH SOO GAARSIIYEY CARRUURTA AGOONTA EE XARUNTA AL-ITHAAR ๐ฟ

๐ฟ MUXSINIINTA REER LONDON OO RAASHIIN BIL AH SOO GAARSIIYEY CARRUURTA AGOONTA EE XARUNTA AL-ITHAAR ๐ฟ
Waxaa farxad iyo mahadnaq weyn naga mudan muxsiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London, kuwaas oo mar kale muujiyey jacaylka, naxariista iyo garab istaagga ay u hayaan carruurta agoonta ah ee ku jira Xannaanada Agoonta Al-Ithaar.
Muxsiniintan ayaa carruurta soo gaarsiiyey raashiin ku filan adeegga hal bil, kaas oo ay kamid yihiin:
๐ Bariis
๐พ Bur
๐ฌ Sonkor
๐ฅฃ Mushaari
๐ Agabyo iyo raashiin kale oo muhiim ah
Deeqdan ma aha oo keliya raashiin; waa jacayl, naxariis iyo garab istaag ay walaalaheenna reer London u fidinayaan carruur aan waalidkood haysan.
Raashiinkan billaha ah wuxuu qayb muhiim ah ka yahay daryeelka iyo nolosha maalinlaha ah ee carruurta, wuxuuna ka caawinayaa Xannaanada Al-Ithaar inay carruurta si joogto ah u siiso cunto iyo daryeel wanaagsan. Taageerada noocan ah ayaa sidoo kale horey uga mid ahayd kaalmooyinka joogtada ah ee muxsiniinta loogu fidiyo agoonta.
๐คฒ Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan carruurta Xannaanada Agoonta Al-Ithaar waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaan dhammaan muxsiniinta reer London ee deeqdan bixiyey.
Alle ha ka abaalmariyo kheyrka ay sameeyeen, ha u barakeeyo maal iyo caafimaad, hana uga dhigo sadaqadooda mid miisaankooda ku culus Maalinta Qiyaamaha















