SAWIRROWAXQABAD

Carruurta Agoonta ee Al-ITHAAR oo la hibeeyay Dareesyo cusub oo Ciida!

? Ciid Farxad leh oo Darees Qurux Badan leh ?

Bismillaah.
Markasta oo Ciid la gaaro, waxay u tahay carruurta fursad ay ku dareemaan farxad, kalgacayl iyo in aanay cidlo ahayn.

Sanadkan 1446 Hijri, xarunta Al-ITHAAR waxaa ay si gaar ah u maamuustay carruurta agoonta ah, iyadoo dareesyo cusub, qurux badan, oo midabyo farxad leh loogu diyaariyay si ay Ciida ugu ciidaan si sharaf leh.

๐ŸŒธ Qalbiyada carruurta waxa laga dareemayay raynrayn, wejiyadoodana waxa ka muuqday dhoola-caddayn iyo mahadnaq.

Tallaabadan kheyrka ah waxaa hirgeliyay muxsiniin naxariis badan oo reer London ah, kuwaas oo si toos ah u garab istaagay agoonta si aysan uga harin farxadda Ciidda. Waxaan leenahay:
“Ilaahay ha idiin barakeeyo camalkiinna, ha idiin siiyo janno ballaaran.”

๐Ÿ—“๏ธ Sidoo kale, carruurta waxaa loo siiyay fasax todobaad ah, si ay ugu nastaan uguna damaashaadaan maalmaha barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Waxaana farxad u ah in bulshada khayrka jecel ay had iyo jeer garab taagan yihiin carruurta aan haysan cid u damqanaysa.

โ€œQofkii farxad galiyo ilmo muslim ah oo baahan, Ilaahay ayaa farxad u noqon doona maalinta Qiyaamaha.โ€

๐Ÿ’ซ Waa waajib in la garab istaago kuwa aan naftooda waxba u qaban karin. La wadaag kheyrka, la wadaag ajarka!

Halkan Hoose Ka Dawo Sawirro+vedio

33

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button