WAXQABAD

Farxad Ciideed: Agoonta oo Laga Farxiyay Dharkii Ciidda

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu farxad geliyay carruur agoonta ah, kuwaas oo loo iibiyay dharkii Ciidda si ay ula qeybsadaan farxadda maalmaha barakeysan. Deeqdan qiimaha badan ayaa waxaa iska kaashaday Hooyo Caasho iyo muxsiniin kale oo u istaagay garab istaagga agoonta.

Tirada carruurta laga farxiyay ayaa gaareysay 20 carruur ah, kuwaas oo si weyn ugu riyaaqay dharka cusub ee la guddoonsiiyay. Dharka la siiyay ayaa ka koobnaa khamiisyo iyo koofiyado sunno ah, kuwaas oo si gaar ah ugu habboon munaasabadda Ciidda, islamarkaana carruurta ka muuqday farxad iyo raynrayn aan la qiyaasi karin.

Ma ahan markii ugu horreysay ee muxsiniintan ay farxad geliyaan carruurta agoonta ah, balse waa dadaal joogto ah oo ay ku garab taagan yihiin. Waxay horey u sameeyeen xarun lagu xanaaneeyo agoonta, taas oo carruurta siinaysa hoy ku habboon, waxbarasho iyo cunto, si ay u helaan nolol wanaagsan iyo mustaqbal ifaya.

Ugu dambeyn, dadaallada noocan oo kale ah ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay isku naxariisashada bulshada dhexdeeda, gaar ahaan taageeridda carruurta agoonta ah oo u baahan daryeel iyo garab istaag joogto ah.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO

125

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!