Ogeysiis Muhiim ah: Xarunta Agoonta Al-Ithaar oo Meel Cusub u Guureysa
الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين،

Maamulka Xarunta Xanaanada Agoonta Al-Ithaar waxa uu ku wargelinayaa bulshada sharafta leh iyo dhamaan muxsiniinta qiimaha badan ee na garab istaagay, in xaruntu ay ka guureyso goobtii ay muddo degnayd ee Degmada Dayniile.
Tallaabadan cusub waxaa lagu sameynayaa ujeeddooyin muhiim ah, oo ay kamid yihiin:
- In agoonta la dejiyo deegaan ka habboon oo leh adeegyo wanaagsan.
- In kor loo qaado tayada waxbarashada, tarbiyada, iyo daryeelka caafimaad ee carruurta.
- In xarunta loo diyaariyo jawi ammaan iyo nolol tayo leh oo ay ku koraan caruurta agoonta ah.
Waxaan bulshada iyo muxsiniinta sharafta leh si dhow ula socodsiin doonaa halka goobta cusub ay ku taallo iyo horumarka socda. Xarunta Al-Ithaar waxay mar walba ku dadaaleysaa in ay ilaaliso kalsoonida aad nagu qabtaan, iyadoo adeegyada carruurta agoonta ah la sii wanaajin doono insha’Allah.
Waxaan idiinka mahadcelineynaa taageerada joogtada ah, ducada wanaagsan, iyo kaalinta aad ku leedahay guulaha xarunta.
Ilaahay ha idinka dhigo kuwa sadaqadooda iyo gargaar kooda ay u noqdaan nolol iyo khayr ku haray aduun iyo aakhiro

















