SAWIRROWAXQABAD

Carruurta Agoonta ee Al-ITHAAR oo la hibeeyay Dareesyo cusub oo Ciida!

🕋 Ciid Farxad leh oo Darees Qurux Badan leh 🎉

Bismillaah.
Markasta oo Ciid la gaaro, waxay u tahay carruurta fursad ay ku dareemaan farxad, kalgacayl iyo in aanay cidlo ahayn.

Sanadkan 1446 Hijri, xarunta Al-ITHAAR waxaa ay si gaar ah u maamuustay carruurta agoonta ah, iyadoo dareesyo cusub, qurux badan, oo midabyo farxad leh loogu diyaariyay si ay Ciida ugu ciidaan si sharaf leh.

🌸 Qalbiyada carruurta waxa laga dareemayay raynrayn, wejiyadoodana waxa ka muuqday dhoola-caddayn iyo mahadnaq.

Tallaabadan kheyrka ah waxaa hirgeliyay muxsiniin naxariis badan oo reer London ah, kuwaas oo si toos ah u garab istaagay agoonta si aysan uga harin farxadda Ciidda. Waxaan leenahay:
“Ilaahay ha idiin barakeeyo camalkiinna, ha idiin siiyo janno ballaaran.”

🗓️ Sidoo kale, carruurta waxaa loo siiyay fasax todobaad ah, si ay ugu nastaan uguna damaashaadaan maalmaha barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Waxaana farxad u ah in bulshada khayrka jecel ay had iyo jeer garab taagan yihiin carruurta aan haysan cid u damqanaysa.

“Qofkii farxad galiyo ilmo muslim ah oo baahan, Ilaahay ayaa farxad u noqon doona maalinta Qiyaamaha.”

💫 Waa waajib in la garab istaago kuwa aan naftooda waxba u qaban karin. La wadaag kheyrka, la wadaag ajarka!

Halkan Hoose Ka Dawo Sawirro+vedio

33

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!