MUXAADARO

Kalimad Qiimo Badan oo Ku Saabsan Fadliga Bisha Dulxijjah

Kalimad Qiimo Badan oo Ku Saabsan Fadliga Bisha Dulxijjah

Sheekh Cabdiraxiin Cali Xaaji, Maamulaha Guud ee Jimciyatu Al-Ithaar Al-Khayriyah, ayaa muslimiinta xasuusiyay qiimaha weyn ee bishan barakeysan ee Dulxijjah, isaga oo ku booriyay inay ka faa’iideystaan fursadda qaaliga ah ee Alle (SW) siiyay ummadda.

Sheekh Cabdiraxiin wuxuu tilmaamay in maalmaha hore ee Dulxijjah ay yihiin maalmo uu Ilaahay jecel yahay in lagu dadaalo camalka suuban, sida soonka, salaadda, sadaqada, iyo xuska Eebe.

Sheekhu wuxuu sidoo kale dardaaran gaar ah u jeediyay muslimiinta, isaga oo ugu baaqay in la xasuusto lagana warqabo agoonta iyo masaakiinta, kuwaas oo u baahan gacmo naxariis leh iyo taageero joogto ah, gaar ahaan bilaha kheyrka iyo barakada leh.

Dhanka kale, Maamulaha Guud ee Jimciyatu Al-Ithaar Al-Khayriyah Sheekh Cabdiraxiin Cali Xaaji, wuxuu si gaar ah ula hadlay muxsiniinta, isaga oo kula dardaarmay inay dardar geliyaan samafalka iyo kheyrka, gaar ahaan ku wajahan daryeelka agoonta. Wuxuu sheegay in camalkaasi uu yahay mid miisaankiisa weyn yahay Aakhiro, sidoo kalena laga helo ducada agoonta iyo raalli ahaanshaha Alle.

Cid walba oo dooneysa inay ka qeyb qaadato taageerada agoonta, fadlan la xiriir:

📞 +447538046487
💳 SALAAM BANK: 37459136
💳 DAHABSHIIL BANK: 0098082

Jimciyatu Al-Ithaar Al-Khayriyyah – Walaalayaal, ka faa’iideysta bishan barakeysan oo nafta iyo hantida uga faa’iideeya kheyrka joogtada ah.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Kalimada

248

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!