📚Darsiga Kitaabka Safiinatu Salaad oo Ka Bilowday Xarunta agoonta ee Al-ITHAAR
Al-ITHAAR Xarun u taagan iftiiminta nolosha carruurta agoonta, si cilmi, akhlaaq iyo diinta ku saleysan.

Xarunta xanaanada agoonta ee Al-ITHAAR waxay si rasmi ah u bilowday darsiga kitaabka barakaysan ee Safiinatu Salaada, kaas oo noqon doona taxane ilmuhu ku baranayaan cilmiga salaadda si fudud,
Darsigan muhiimka ah waxaa loo diyaariyay si gaar ah caruurta agoonta ah, kuwaasoo horey u dhameeyay kutubo kale oo diini ah. Tani waxay marag ka tahay dadaalka joogtada ah ee xaruntu ugu jirto kor u qaadista tarbiyadda diimeed iyo aqoonta carruurta.
Kitaabkan wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa:
-
Macnaha iyo muhiimadda salaadda.
-
Shuruudaha iyo waajibaadka salaadda.
-
Habka saxda ah ee loo tukado.
👨🏫 Macallinka Darsiga:
Darsiga waxaa si hufan u dhigaya Macalin Khaalid Ciise Faarax, oo ah murabiga xarunta una xil saaran tarbiyadda carruurta. Macalinku wuxuu leeyahay khibrad iyo dulqaad sare, taasoo ka dhigeysa in ilmuhu si kalsooni leh wax ugu bartaan
Waxaa habeen walba lagu soo gudbin doonaa darsiga bogga rasmiga ah ee xarunta marka laga reebo habeen khamiista iyo Jumcaha
👉🌐www.alithaar.com
Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan waalidiinta, mas’uuliyiinta, iyo taageerayaasha xarunta in ay si joogto ah ula socdaan darsiyada si loo xoojiyo waxbarashada iyo tarbiyadda carruurta.
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Dersiga