(Sawirro+video) Qado Sharaf uu Bixiyay Qof Muxsin ah oo Muraadleh–Ilaahay Ha U sahlo
Ilaahay haka aqbalo,hana ugu beddelo caafimaad iyo khayr waasac ah.

Qado sharaftan uu bixiyay qof muxsin ah oo xanuunsan, balse leh qalbi weyn iyo muraad kheyr ah ayaa loo sameeyay caruurta Agoonta ee Markiska Alithaar.
Inkastoo uu la tacaalayo xaalad caafimaad, haddana muu hilmaamin agoonta, wuxuuna u muujiyay daryeel iyo naxariis ka fog mid caadi ah.
Qadadan ayaa ahayd mid ay carruurtu aad ugu farxeen, waxaana ay si kal iyo laab ah ugu duceeyeen walaalka deeqsiga ah, iyagoo Ilaahay uga baryay caafimaad taam ah, nolol barwaaqo ah, iyo janada sare.
Xarunta Al-ITHAAR waxay u mahadcelinaysaa muxsinkan qiimaha badan, waxayna bulshada ku dhiirrigelinaysaa inay u istaagaan daryeelka agoonta – waayo samafalku waa furaha kheyrka adduunka iyo aakhiro.
Ilaahay ha ka aqbalo samafalka, hana ugu beddelo caafimaad iyo khayr waasac ah.