Warbixin Ku Saabsan Guusha Carruurta Agoonta ee Wax Ka Barata Al-Ithaar
Taariikh: [11-05-2025]

Waxaan Ilaahay ugu mahadnaqaynaa in uu nagu guuleeyay Bilow ilaa Dhamaad dhamaystirka Kutubada“Xusnul Muslim” iyo “Miatu Xadiith”,oo muhiim ah islamrkaana la xiriira kobcinta aqoonta diimeed ee carruurta.
Carruurtani oo leh dadaal iyo dulqaad sare ayaa si hufan u dhammeystay kutubta “Xusnul Muslim” iyo “Miatu Xadiith”, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta akhlaaqda, iimaanka, iyo fahamka diinta Islaamka.
1. Kitaabka Xusnul Muslim
Carruurta ayaa bartay ducoyinka maalinlaha ah ee Nabiga ﷺ uu akhriyi jiray xaaladaha kala duwan, sida marka ay toosaan, seexanayaan, masjidka tagayaan, cuntada cunayaan, iyo mararka ay la kulmaan xaalado adag.
Waxay si fiican u barteen macnaha ducada, xilliga la akhriyo, iyo faa’iidooyinka ay leedahay. Waxaa si farxad leh loo arkayay carruur si kalsooni leh ugu dhawaaqaya ducada taasoo astaan u ah fahamkooda iyo ku dhaqankooda.
2. Kitaabka Mi’atu Xadiith
Barashada boqol xadiith oo ka mid ah xadiithyadii Nabiga ﷺ waxay carruurta u suurto gelisay inay helaan tilmaamo toos ah oo ku saabsan akhlaaqda suuban, cibaadada, xiriirka dadka iyo anshaxa wanaagsan. Carruurtu waxay xadiithyada u barteen si qotodheer – iyagoo badi xifdiyay, fahmay micnahooda,
Dhawaan, xarunta Xanaanada Agoonta ee Al-Ithaar waxay qabatay Imtixaan Bileeed lagu ogaanayo wixii ay carruurtu barteen. Waxaa halkaas ka dhacday:
-
Xifdinta iyo akhrinta xadiithyo ay carruurtu si toos ah u akhriyeen.
-
Ducoyin ay si hufan u dhigeen, iyagoo sharraxaya micnahooda.
-
Tartamo isweydaarsi ah oo la xiriira su’aalo ku saabsan labada kitaab.
-
Abaalmarino lagu dhiirrigelinayo dadaalkooda iyo hufnaantooda.
Gunaanad
Xarunta Xanaanada Agoonta ee Al-Ithaar waxaa mar walba ka go’an in ay siiso carruurta agoonta waxbarasho tayo leh oo diin iyo akhlaaq ah.Guushan waxay daliil u tahay in haddii fursad la siiyo, ubadka Soomaaliyeed ay leeyihiin karti, dadaal, iyo iftiin mustaqbal wanaagsan.
Ilaahay ha barakeeyo carruurta agoonta, macallimiinta, iyo dhammaan Muxsiniinti ka qayb qaatay barnaamijkan Kheyriga ah.Waxaan rajeyneynaa in Ardayada kale ee Agoonta ah ka faa’iideysan doonaan si ka sii wanaagsan, una noqdaan tiir dhexaadka bulshada.
HOOS KA DAAWO QAAR KAMID AH ARDAYDA