SAWIRRO

Xarunta Agoonta ee Al-Ithaar oo Bilowday Qeyb Schoolka ah oo Agoonta loogu Tala-galay

Xarunta Xanaanada Agoonta ee Al-Ithaar ayaa si rasmi ah u daahfurtay qeyb cusub oo waxbarasho Maadi ah oo si gaar ah loogu talagalay in lagu baro agoonta.

Barnaamijkan cusub wuxuu ujeedkiisu yahay in uu siiyo agoonta waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh, waxana iminka Xarunta ay hergalisay Qeyb School ah oo Agoonta Maadoyiinka Lagu Baro.

Schoolka wuxuu ka koobanyahay maadooyin kala duwan, sida English Carabi Xisaab Farta Soomaliga iyo culuumta diinta Islaamka.

Xaruntu waxay sidoo kale shaqaaleysiisay macallimiin aqoon leh si carruurta loogu helo hagid iyo taageero sax ah.iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo aayaha iyo Mustaqbalkooda.

Dadaalkani wuxuu ka tarjumayaa ballanqaadka joogtada ah ee Al-Ithaar ay u hayso taageerada agoonta,

Xarunta Agoonta ee Al-ithaar waa Goob Hoy u ah Caruurta agoonta waxana ay ka helaan Cuno, Hoy, iyo Daryeel caafimaad, sidoo kale waxaa intas Dheer Waxbarasho Diini iyo Maadi ah si loo dhiso Mustaqbalka Agoonta.

Maamulka xarunta ayaa u mahadceliyay Samafaliyasha Reer London iyo bulshada taageerta himilada xarunta.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA+VIDEO

34

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?