Munaasabad si heer sare ah losoo Agaasimay islamarkaana ay kasoo qeybgaleen Culuma,udiin Waxgarad Odayaal Dhaqan Waaladiin & Marti sharaf kale ayaa Lagu Qabtay isla xarunta Sep/20/2024.
Xafladda oo Ujeedkedu ahaa in Lagu Daahfuro Xarun Cusub oo ay yeelato Jimciyada waxaana ay Gaar utahay Caruurta Agoonta ah.
Dad Muxsiniin ah oo ilaahay dartii Wax ulabaxaya ayaa Hergaliyay Xaruntan Cusub ee Lagu Xanaanenayo Agoonta Soomaliyeed.
Agoonta oo lanaxriisto lona muujiyo Jacayl waa arin Alle uu Jacelyahay.
Waaladiinta & kasoo qeybgalayasha Xafladda ayaa Wajiyadooda waxaa laga dheehanayay Farxad Balaaran.
Jimciyatu Alithaar Alkheyriyah oo ah Hay,ad Madax Banaan oo Daryeesha Agoonta & Masaakiinta ayaa u istaagtay Maanta in Waxbarsho ay Helaan Caruurta Agonta ah.
Hada Xarunta Agoonta Way shaqo Biloowday
Muxuu Helayaa Canuga Agoonka ah?
Waxbarasho Lacag la,aan ah Diini & Maadi itaba.
Cuntadiisa Sadaxda Waqti
Jiifkiisa
& Daryeelkiisa Caafimaad.
Ugu dambeyntii Maamulka Xarunta Xanaanada Agoonta ee Al-ithaar ayaa Muslimiinta Dal iyo Dibad ugu Baaqay inay Tageraan islamrkaan ay wax ku darsadaan Kafaala qaadka Agoonta.