Daawo Jimciyada Kheyriga ah Ee Al-Ithaar oo Biyo Galin Usameysay In kabadan 700 Boqol oo Qoys oo Danyar ah.
Walaalo Samafaliyaal ah oo Ku sugan Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska ayaa 27.kii Bishii Taktay Ee April 2023 Waxay Biyo Ugu Deeqeen Qoysas Danyar ah oo Kunool Kaam Kuyaala Duleedka Magaalada Muqdisho.
Ilaa Mudo Lix-Bilood ah ayay Muxsiniinta Reer London U Balanqadeen Inay Biyo Siinaynaan Qoysaskan oo aad ugu Baahna Biyaha.
Jirgaanka Biyaha ayaa La Iibiyaa Qiimo Gaaraya kun & shanboqol 1.5 Shiling Somaliga waxaana Mararka qaar dhacda inay waayaan Qoysaskan lacagta ay biyaha ku iibsan lahayeen.
Kaamka oo Sadax qeyb ka kooban ayaa waxaa ku nool in kabadan 700 Boqol oo Qoys oo isugu jira waayeelo, Naafo, Camoole,& Hoyoyiin haysta Caruur Agoomo ah.
Hada way kabexeen Ciriirigii iyo Silaca Biyo La,aaneed oo waxaa loo Galiyay Tuboyiin Biyo oo siday donaan udhaansanayaan.
Arintan Waxaa Ka Mahad Celiyay Qoysaska Sadaxda Kaam Iyagoona Allah Subxanahu Watacalaa Muxsinnintii Biyaha Soo Baxsatay Uga Baryay Inuu Biyihii Janaad Uga Dhigo Maalinta Khiyaame.
Halkaan Ka Daawo Qoysaska Biyaha Logu deeqay oo Mahad Celiyay.