MUXAADARO

Maamulka Alithar.Net oo Muslimiinta Ku Booriyay Inay Kafa,idestaan Fadliga 10 Hore Ee Bisha Dul-Hijjah.

Waa Khamiis Taariiiikhda hijriguna waxay ku beegan tahay 01-12-1443 oo waafaqsan 30-06-2022, insha allaah waxaa inoo bilaabmatay Bisha Dul-Hijjah waxayna kamid tahay bilaha sida gaar ka ah ee Xurmada u leh.

Ilaahey wuxuu ku dhaartay Tobankaan maalmood,

wuxuuna yiri :   (وَالفَجرِ وَلَيَالٍ عَشرٍ )

Nabigeena Muxamed SCW wuxuu yiri: ma jiro maalmo uu ilaahey ka jecel yahay Acmaal la sameeyo tobanka Maamlmood ee ugu horeysa bisha Dul-Hijjah.

Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu horeyso Bisha Dul-Hijjah.

1) Maalinta 1-aad ee Bisha  Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam CS, Qofkii sooma dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa.

2) Maalinta 2-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducada Nabi Yoonis CS isla markaasna laga soo bixiyey Caloosha Malaayga, Qofkii sooma waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudayey Ilaahey oo aan il Biriqsi ku caasin.

3) Maalinta 3-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalintii la aqbalay ducadii Nabi Zakariya CS, Qofkii sooma ducadiisa waa la aqbalayaa.

4) Maalinta 4-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi Ciise CS, Qofkii Sooma ilaahey wuxuu ka dheereenayaa Quusitaan iyo Faqri.

5) Maalinta 5-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalintii la dhalay Nabi Muuse CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka badbaadiyaa Cadaabta Qabriga.

6) Maalinta 6-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii uu Alle Nabigiisa u furay albaabada Kheyrka, Qofkii sooma wuxuu Alle ku fiiriyaa il naxariis leh.

7) Maalinta 7-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalinta la xirayo Albaabada Naarta, lamana furo ilaa ay ka dhamaato tobanka maalin ee Bisha Dul-Hijjah, Qofkii sooma Ilaahey wuxuu ka xiraa 30 Al baab oo dhibaato ah, wuxuuna u furaa 30 Al baab oo Fudeed ah.

Maalinta 8-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalinta loogu magac daray (Tarwiya) Qofkii sooma wuxuu Alle siinayaa Ajir uusan ogeyn Ilaahey mooyee.

9) Maalinta 9-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa Maalinta la istaagayo Banka Carafa, Qofkii sooma ilaahey wuxuu u dhaafaa dambiyada sanadkii hore iyo sanadka soo sacdo, waana maalinta ay soo dagtay aayada Qur’aanka ee (اليوم أكملت لكم دينكم).

10) Maalinta 10-aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalinta Ciidul Adxaa, qofkii Alle Qur’aan ugu Dhawaadana wuxuu u dhaafaa dambiyadiisa.

Allah ina waafajiyo dhamaan maalmahan qeerka badan, oo haynaga yeelo kuwii ka faaidaysta insha’Allah.

WQ: Said Hagi

Editor in chief

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?