SAWIRROWAXQABAD

(Sawirro) Deeq Lacageed oo Ka Timid walaal Muxsin ah oo la gaarsiiyay Hooyo dhibataysan

Maalinnimadii shalay oo Axad ahayd ayaa waxaa Nala soo xiriiray Mid kamid ah walalaha Ku xiran alithar si uu U caawiyo Hooyo Maryan shekh Maxamed oo Muqaalkeeda Horay Ubaahinay Taas oo ku dhibataysan Kaam Ku yaala Duleedka magaalada Muqdisho.

Hooyo Maryam Shekh oo ku Jirta Da,aada lixdanka ayaa ah Hooyo wiil laay ah oo aanay haysan Garab- Mana awoodo Inay shaqeyso Sidaasi oo ay tahay waxay la daaladhacaysaa Nolasheeda Gaarka ah oo aanay jirin cid ku wehlisa.

Waxay Ku qanacsan Qadarta Alle Ee xaga Rabi kaga Timid waxayna Maanka ku haysaa Inay Jiraan Muxsiniin somaliyeed oo sida Maxamed Yare oo Kale ah.

Lacag Cadadedu ay Garayso $50 doolar ayuu inoo wakiishtay walalkeena Maxamed si aynu ugaarsiino Maamo Maryan shekh oo hada aad aragtaan Sawirkeeda.

Marka laga Yimaado Hooyadan waxaa Kaloo jira Boqolaal Ama Kumanaan hooyo Ama Aabe Somaliyeed ah oo Iyaguna ku dhibataysan wadoyiinka, ALLAH kasakow Dadkaas waxay garab Ama Cawinaad uga baahanyihin walalahoda Somaliyeed ee muslimiinta ah.

Dhinaca Diinteena Markan ka Eegno Mid Kamid ah Xadiisyada sadaqada ku soo arooray Nabigu (SC) wuxuu yiri:

*ما نقصت صدقة من مال*

Oo macnaheedu yahay sadaqo maal ma yareyso Ama manuqsamiso

أن في الصدقة دواء للامراض البدنية كما في قولة:دواء مرضاكم بالصدقة

  • Sadaqadu waxa ay yareysaa xumaanta
  • Waxa ay farxad gelisaa qalbiga
  • Waxa ay kaxeysaa hamiga
  • Waxa ayna badisaa rizqiga
  • Waxaa lagu daaweeyaa qofka xanuunsan
  • Waxa ay damisaa carada Alle
  • Waxa ay tirtirtaa dambiga
  • Waxa ay qofka u noqotaa har Alle
  • Waxa ay qofka ka xijaabtaa naarta

HADABA WALAAL BALANTEENU WAA INAN IS CAAWINAA

Hoos Ka Eeg Sawirrada

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button
error: Content is protected !!
Fariin Noreeb
Ku soo Dhowow جمعية الإيثار الخيرية Hoyga Daryeelka Agoonta & Masaakiinta.
× How can I help you?